Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Dhar magaalo sida lagu qaato dhowaa !! dhal magaalo sida lagu noqdo dheera !!.

 

Aqoonyahanada, Siyaasiyiinta, Odayaasha dhaqanka, Culumaaudiinka iyo Waxgaradka Koonfurta Soomaaliya waxay si weyn ugu doodeen ka dib markii ay arkeen buugii uu qoray Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) oo uu soomaalidu uu ku qeybinaayey qaar uu ku tilmaamay xoolo dhaqato reer guuraa ah, kuwa yar yar oo beeraley ah iyo kuwo reer xeebeed ah oo noloshoodu ku saleysantahay kaluumeysi iyo tacbato beero sidoo kalena isu raacsiyey sida tan Dir, Daarood, Isaaq iyo Hawiye in uu shacabkoodu  soomaali ka yahay 70%  Digilmirifle ama Raxweyn 20% Reer Xeebeedka oo uu raacsiiyey beeralayda 10% isagoo ujeedadiisu ay tahay in uu xaqiro  beeraleyda iyo kaluumeysatada marka laysu geeyey 30% ay isku noqonayaan isla markaana uu sare u qaado reer baadiyaha reer guuraaga ahaa oo aan lahayn nolol deganaansho iyo xasilooni qof kastaana waxaa xukumaaya bey’adiisa ninkii abihiisa geel dhacaayey awowgiisa asagoo geel dhacaaya la diley iyagoo sidaa isu daba taxan ka awoowe ka awoowe noloshoodu ay ku salaysneyd mar uu geel dhacaayo mar uu soo dhicinayo iyo mar uu difaacaayo waxaa intaa u dheer dagaalo aan dhamaaneynin oo ah dagaalka daaqa iyo biyaha oo maalin kasta laysku laayo cadceed soo baxdaaba aan kala go` lahayn.

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Dhar magaalo sida lagu qaato dhowaa !! dhal magaalo sida lagu noqdo dheera !!.

Hadaba 20 sano ayaan mareykan ku noolaa iyo jaamacad baan ka soo baxay ilbaxnimo iyo aqoon kuuma kordhinayso (kullu sheey yarjac ilaa aslihii).

Qofku waa ilbax goormee la dhihi karaa? Waa inuu magaalo ku dhashaa ugu yaraan 5 fac  isaga, abahiisa, awoowgiisa, awoowgiisa kale kan ka sii dambeeya.

Magaalo waxaa dhista dad aan guur guurin oo leh nolol ku dhisan deganaansho iyo xasilooni kuwaasina waa beeralayda iyo kaluumeysatada iyo lo’leyda oo aan ka dheereyn waxaa ku dhex jira ganacsatada kuwaas oo ka dhex abuurma isdhexgal bulsho, is aamin, iskaashi iyo iskaashatooyin.

Shirakado ka shaqeeya horumarinta ijtimaaciga ah wax kala amaahsiga iyo wax iska sugidda, dulqaad waana dadkii keenay gobanimada iyo dowladnimada maanta lagu tumanaayo.

Sharafta iyo karaamada heybadda ay lehaydna bahdiley waa reer baadiyihii reer guraaga ah oo saaxadda siyaasadda iyo kursiga Madaxtooyada iyo Dowladaba la soo fuulay habkii isu xoog sheegashada, boobka, dilka, dhaca, sharci la’aanta qof walba qumanihiisa qoorta u suran.

Waxaa marag ma doonta ah qof kasto Soomaali u dhashay uu og yahay in aan jirin tira koob la sameeyey oo la yiri reer hebel idinka tiradiinu waa intaas xitaa soomaali tira koobkeedu waa intaa lama oran.

Shucuubta ku dhaqan inta u dhaxeysa labada webi ilaa laga gaaro xeebta badweynta hindiya waa dadka ugu badan Soomaaliya madaama degaankooda uu yahay barwaaqo roobabkuna ay ku badan yihiin abaaruhuna ay ku yar yihiin burburkaan ka horna colaaduhu ay ku yaraayeen.

Dadkani waxay isugu jiraan beeraley, xoolaley oo u badan lo’ dhaqato, kaluumeysato iyo ganacsato meesha ay barwaaqada, nabadda iyo xasiloonida ku badan tahay dadkuna waa ku badan yihiin tarankooduna aad ayuu u sareeyaa.

Marka laysma bar bardhigi karo meesha ay ku badan yihiin coladaha, abaaraha iyo roob la’aanta noloshuna ay ku adagtahay.

Sidaasi awgeed, Maxamed Cabdulaahi Maxamed (farmaajo) waa nin aan aqoon dalka iyo dadka Soomaaliya aaminsan in soomaalidu ay kala sareyso ku tala galkiisana uu yahay in uu duudsiyo Qowmiyaad jira xuquuqdooda.

 Talo soo jeedin

Waxaan soo jeedinaynaa  in qofka doonaayo  Shaqo Qaran waa in uu aqoon iyo waayo aragnimo durugsan u leyahay dalka iyo dadka soomaaliyeed rug cadaa ah, isku kalsoon kuna kalsoon dalkiisa, dadkiisa iyo  diintiisa islamarkaasna aan jiidaneynin caadifad qabiil.

Ka madax banana cunsuriyadda, hanti aruursiga, kala yaqaan waxa  gaarka loo leeyahay iyo waxa ummaddu leedahay iyo Qarankaba, dhowra shuruucda iyo qawaaniinta, xisaabtama kala saari kara waxa uu xaq leeyahay iyo waxa xaq loogu leeyahay xil kasna ah.

Qofku waa ilbax goormee la dhihi karaa? Waa inuu magaalo ku dhashaa ugu yaraan 5 fac  isaga, abahiisa, awoowgiisa, awoowgiisa kale kan ka sii dambeeya.

Haddii aan wax ka xuso taariikhda faca weyn ee ay leedahay Magaladda Madaxda soomaaliya ee Mogadisho, oo  ka mid ah  gobolka Banaadir . Runtii ma ha mid qoraalkaani lagu soo koobi karo balse waxaan jaclahay in aan si kooban u xuso oo aan wax ugu tilmaamo taariikhdda haddii Alla idmo.

Haddba guud ahaan gobolka banaadir waa degaan aad u baalaran oo ilaahay ku maneystay khayraad fara badan oo dhul iyo bad ba leh. Dadka degaankani benaadir degenaa waxaa ilaaahay  hibo u siiyeye ilbaxnimo iyo is qadarin oo ay ku dheehan tahay xadaarad fac weyn.

Taasoo ay caddeeyen qorayaashii badmareenadda ahaa ee dalkeena imaan jiray iyaga oo had iyo jeer ku soo xiran jiray xeebaha Banaadir sida Xamar (Mogadishu), Warshiikh, Marka Baraawe iyo Kismaayo iwm.

Culumadaasi waxay qoraladooda ay ku xuseen in xeebaha soomaaliya ay degenaayeen qowmiyada meel sare ka gaaray xadaaradda, muddo qarniyaal badan laga joogo sida ay tilmaameen badmareenadaasi caanka ahaa oo ay ka mid yihiin  “Ibna Batuuta, Vasco de Gamma, Maro Pollo , Cheng Ho, Fei Hsin iyo Hslao Kolan iyo kuwa kale “

Waxaan tusaale gaaban u soo qadanayaa caalimkii Ibna batuuta oo ku sheegay buugiisa oo uu qoray qaranigii 13aad inuu ku arkay xeebaha Soomaaliyeed dad nabada jaceel isla markaasina ku dhaqma nidaam iyo kala dambeyn kuna barbaariya dhalaankoodda barashadda diinta islaamka wuxuuna sheegay inuu ku arkay dad ganacsiga ku xeel dheer, kuwaaso lahaa xirfaddo kala duwan, wuxuuna dadkaasi ku tilmaamay dad ku fiican soo dhaweynta.

Waxaa oo kale uu Ibna Batuuta sheegay in magaalada  Mogadish – Xamar ay ka dhisnaayeen dhismooyin aad iyo aad u qurux badan oo la tartami kara dhismooyinka waa weyn ee markaasi dunidda ka jiray. Haddii aan tusaale kale u soo qaato qoraagii Emrico Cerculli, qoraaladiisa wuxuu ku xusay in magaaladda Mogadishu (Xamar) ay ka jireen laba xafadood oo waa weyn oo caan ahaa kuwaasi oo kala ahaa Xamar weyne iyo Shangaani oo lahaan jireen goobo muujinaya taariikhda soo jireenka ah sida dhismaha masaajiddada kala ah Jaamacadda Xamar weyne, Masjidka Fakhrudiin, Misjidka Arbaca Rukun iyo Masjidka Cabdulcasiis   iwm.

Dhismayaashaasi oo idil waxay muujinayaan xaraaddada dadkii degenaa magalada Mogadishu (Xamar). Waxaa xusid mudan sannadkii 1986 dii oo dib loo dhisay masjidka Shariif Ahmed kuna yaalay degmadda shingaani, waxaa laga helay dhismo aad u fac weyn oo lagu qiyaasay 1200 sannaddood ka hore in la dhisay, taasina waxay marqaati cad u tahay in magaaladda xamar ay tahay magaalo aad iyo aad u faca weyn.

Sannadkii 1892dii, Mogadishu waxaa ka talinaayey Suldaankii Sansibaar, wuxuuna heshiis la galay Talyaaniga oo ka kireeyey Mogadisho muddo 25 sano ah, kiradaasi waxaa lagu qiyaasay lacag gaareysa ilaa 144,000 sterliini ah sanadkiiba inuu bixiyo, hase yeeshee Talyaaniga oo ahaa gumeysi wuxuu markii ba bilaabay xeelad iyo makri oo si tartiib tartiib ah uu ugu fiday goboladda konfureed asiga oo isticmaalaya awood military ah, hase yeeshee dadka soomaaliyeed si xoog leh ayay uga hor yimaadeen, dagaal qaraar na wuxuu ka dhacay Afgooye( Lafoole) oo la magac baxay dagaalkii Lafoole iyo Dhanaane oo dad badan isticmaarka kaga dhinteen isla markaasina jab weyn ay ka soo gaartay Talyaaniga, ka dibna isticmaarka talyaaniga wuxuu ku fiday dhamaan goboladda soomaaliyeed oo uu ka talinaayey muddo 70 sannadood ah. Dagaalkii labaad oo Ingriiska oo guul weyn ka soo hooyey, gumeysigii talyaaniga na oo halkaasi lagu jibijey, sidaasi darteed goboladda soomaaliyeed oo idil waxay mar kale ay gacanta u gashay ingriiska.

Markii Talyaaniga laga guuleystay waxaa magaaladda muqdisho soo galay maamulkii militariga ingriiska oo magaalo madax ka dhigtay muqdisho, isla markaasina ka sameeyey maamul hoose oo dhallinyaradda soomaaliyeed hogaanka u qabtay.

Sannadkii 1948dii magaaladda muqdisho waxaa yimid wafdi ka socda dawladihii ku guuleystay dagaalkii labaad ee adduunka oo uu ka mid ahaa Mareykanka, Ruushka , Ingriiska iyo Fransiiska, waxayna muqdisho ay u yimaadeen in ay afti ka qaadaan dadka soomaaliyeed ama ay ogaadaan rayiga dadweynaha soomaaliyeed in ay rabaan gobanimo iyo kale. Ka dib markii ay warbixintii ay u gubiyeen UN ka sidaasi darteed 5tii Oktoober 1949 waxaa UN ka go’aan ku gaartay in Talyaaniga uu maamulo muddo 10 sannadood ah iyadood 4 dawladoodna kor ka ilaaliya, 4taasi dawladdood oo kala ahaa Masar, Filippino, Liberia iyo Colombia.

Sannadkii 1960kii oo ahaa sannadkii ay soomaliya xornimaddeeda ka qaadateen  Ingriiska iyo Talyaaniga, sidaasi darteed magaaladda Mogadisho waxay noqotay meel ay ku soo qul qulaan shacabka soomaaliyeed iyaga oo doonaya in ay helaan shaqo iyo waxbarasho, waxayna Mogadisho noqotay magaalo aad iyo aad u weyn. Si tartiiib ah ay u soo kordheen dadkii deganaa isla markaasi na si xad dhaaf ah ayay u fiday, waan magaaladda ugu weyn ee soomaaliya oo ay degen yihiin dad lagu qiyaasay waqtigan xaadir ah   ilaa laba milyan qafood.

Dagaalkii sokeeye ee soomaaliya ka dhacay waxay dhaawac weyn gaarsiisay bilicdii magaaladda mogadisho oo maanta ay ka muuqato dhibaatooyinkaasi, waxayna u baahan tahay dayac tir weyn,  si loo soo celiyo haybadii iyo sharaftii ay lahayd magaalada Mogadisho.

 Wuxuu shacabka soomaaliyeed ka filayaa DFKM in ay wax weyn ka qabto sidii loo soo celin lahaa  bilcidii ay  magaaladda faca  weyne ee Mogadisho – Xamar ay lahaan jirtay, maxaa yeelay waxaa magaalo oo aan si na looga sabri karin (marna la ilaabi karin) magaaladda Muqdisho in ay tahay magaalo madaxda dalka soomaaliya taasi muran kama taagan hase yeeshee magaalada Mogadisho waxaa salidhig Eebbe uga dhigay dad wax ma garato ah oo si xad dhaaf ah u bur buriyey, ujeeddooyinka ka dambeysana ay tahay in la tirtiro goobaha taariikhi ah oo ay Mogadisho – Xamar xamabrsan tahay.

Sida runta ah qof waliba maanta waa uu ka dheregsan yahay meel kasta  uu ku sugan yahay (dibadda ma guddaba) in uusan heli karin magaalo u dhigan ta “East and West Home is the best “ Qofna dalkiisi hooyo ee soomaaliya   meel u dhaanta heli maayo haddii uu bar bar dhigo meesha uu maanta dunida uu kaga nool yahay.

Mogadisho waxay kulan satay jawi aan laga heli karin adduunka intiisa kale, hase yeeshee waxaa maanta u ehel noqday dad aan damiirba lahayn oo dan iyo xaajaba aan ka lahayn burburka magaladda . Haddaba waxaa is weydiin muddan, maxaa keenay inuu  muran fara badan uu ka dhasho ka dhigidd caasimada soomaaliyeed in ay noqoto Mogadisho ee DFKM degto iyo in kale, runtii waxaa filayaa in aan la heli karin magaalo maanta u dhigan ta in ay caasimad noqoto maxaa yeelay waxaan mar na indhaha laga qarsan karin in Mogadisho ay buuxisay wax alla wixii looga baahnaa caasimad in kastoo ay la kulantay burbur aad iyo aad u balaaran haddan wax iyada dhaanta ma jiraan ileyn dagaalka wuxuu aafeeyey dhamaan soomaaliya oo idil, sidaasi darteed waxaan kula talin lahaa DFKM in aysan ka shakin in ay  tahay Mogadushu magaalo madaxda ee Soomaaliya. Waa in la sugaa  aamaanka isla markaasina uu dawladda gacanteeda ay ku soo noqdaan hubka fara badan ee maanta ku baahsan guud ahaan dalka soomaaliyeed gaar ahaan magaalada Mogadisho oo aan filaayo in ay yaalaan hub aad iyo aad u fara badan oo u baahan in gacan aamaan ah loo soo celiyo.

Ma filaayo  in ay jiraan qof diidan in caasimadda soomaaliya in ay noqoto magaalada Mogadisho – Xamar, haddii ay jiraan waxaan filayaa in ay yihiin dad aad iyo aad u yar marka la bar bardhigo dadweynaha soomaaliyeed.

Waxaan dadweynaha soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Mogadisho aan kula talin lahaa in ay dib u soo celiyaan  bilcidii iyo wanaagii lagu yaqiinay magaaladda mogadisho isla markaasina ay dhigaan hubka sharciddaradda ah oo lagu laayay shacab aan waxba galabsan si loo badbaadiyo jiilka maanta soo koraya.

Halkaan ka akhri Buuga oo dhan Mohamed-Mohamed.pdf

==================================================================================

Posted on November 10, 2011, in Uncategorized. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Saado Cali (+) Amin Caamir (X) Inj. Axmadeyga Universal (-) Kooxda Qeylo Dhaan Maxay Ololaha Farmaajo ku kordhin karaan?

    The false hope …

    because life passes before your eyes slowly
    it is better not expect anything from anyone to be waiting forever
    is better to be pessimistic be disappointed
    the false hope that is responsible not go on account
    porti look, because the world is selfish
    and maybe looking for that person and that there
    that they look for you, glad you’re happy
    although this seems not always be there
    is difficult but not impossible
    may be that your imagination fly and crash
    or maybe not, but
    I prefer not to let hope the power of my decision
    colleagues? many but friends are few
    I approach this illusion as would a broken mirror
    and am dying to see the falsity of a thought
    like memories that come and go like the wind does
    is not something material, a belief, and that depends on you
    exist not as we do not give the right to choose
    sometimes reality is not what we all want to see
    do not you take off the blindfold because it’s easier to believe
    on blind faith that manipulates your look and want
    believe that it is easier to think what one you choose
    does not hurt so much, the truth
    that hides behind the mask behind a false wall

    (BSP) – Ujeedkayga ayaa ah maxaa Farmaajo ka dhigay Rajadii umada soomaaliyeed? ma faaliyaa sheegay sidii odaygii hindiga ahaa ee hore loo yiri wuu faaliyey, mise waaba waxyi oo waxaa jira daliil cusub oo loo hayo arintaasi.

    Dad badan oo bulshada soomaaliyeed dhexdeeda magac ku lahaa kana mid ahaa dad lagu tiriyo dhexdhexaadka ayaa helay balanqaadyo siyaasadeed ama maaliyadeed damac iyo xaalkii, waxaan arkay koox isku xirantay , waa Farmaajo, Amiinamir , Axmadeeyga Universaltv, Saado cali , Kooxda Qeylo dhaan iyo kuwo kale oo aan wali is cadayn.

    Amin Caamir waxaa loo doortay inuu ku dagaalamo Cartoomadiisa, oo uu dowladda xumaan maahee wanaagba ka sheegin ilaa sanadka inta ka dhiman, Saado Calina in ay heeso Farmaajo lagu amaanaayo qaado, Axmadeeyga Universalna uu Tvgiisa ku baahiyo barnaamijyo lidi ku ah Dowladda Madaxweyne Shariif, Qeylo dhaana in ay Qeyladooda ku qal qalgeliyaan Shacabka reer Muqdisho si ay dowladda uga soo hor jeestaan.

    Waxaa la yiri rajada soomaaliya , Nabad iyo dowladnimo waxaay ku xirantahay farmaajo Hadaba waa is waydiine farmaajo intee in le,eg ayuu wax ka qaban karaa wadankan, muxuuse ka bedelay maalmuhuu joogay aan ahayn dagaal dhex maray ciidamada manta ka saaray muqdisho shabaab. Oo markii hore awood yaraa waqtigiisiina ku soo beegmay ciidamo badan oo tababaran iyo wajigii dagaalka Amisom oo la bedelay oo laga dhigay nabad dhaliyayaal toosna weerarka uga qayb galay.

    Farmaajo ma marin waji siyaasadeed oo kuma dhawaaqin xisbi cusub oo la tartamayaa xukuumada iyo dowlada isbedelna samaynaya , ujeedadiisa kuma salayna soomaaliweyn ee waxuu dagaal iyo gubuxtankii lagu yaqaanay hogaamiye kooxeedyadii Sheekh Sahriif Liqay, ayuu galay isagoo si toosa dabada ula galay jufadiisaa taageerona naf iyo maalna wuu waydiistay.

    Waxaa beesha Mudane farmaajo siyaasada ka baxday ka dib 21kii sano ee kacaankii siyaad barre balse nasiib wanaag waxaa soo nooleeyey rajada beesha markii Madaxweyne shariif kursiga dib ugu soo celiyey farmaajo oo joogay lix bilood muddo ka yar.

    Maxaa ku kelifay inuu farmaajo raadiyo taageerada shacabka?

    Qodobka 1aad:- farmaajo waxaa ti toosa u mucaarday Maamulka puntland oo iyagu xalaalaystay saamiga beeleed ee ay wadaageen beesha Farmaajo oo mudo dheer saaxada siyaasada ka maqnayd iyo garoomada gogolxaadhka ayaa waxaa xalaashaday kursiga 4.5 beesha Puntland oo la timid qorshe siyaasadeed ka duwan beelaha kale ee ay wax wadaagaan nidaam gobolaysi iyo dhul ay ku gorgortamaan iyo waliba siyaasiyiin u hamuun qaba kursiga oo qaarkoodna siyaabo khaldan ugu guuleysteen isaga oo taas og ayuu helay jaanis aanu filayn waa riyo riyaduna waxay ahayd inuu beeshiisa 21 sano ka maqnayd saaxada siyaasada kursiga labaad hesho , si uu u indho sarcaadiyo bulshada reer muqdisho oo aaminsan dhibka dhacayaa inuu yahay beertii ina siyaad barre, ayuu u muujiyey dabacsani siyaasadeed si uu u kasbado bulshada waana qayb ka mida ciyaaraha siyaasada (nimaad dagi nimaad dili , nimaad dabin u qoolayso waa laysu kala daadiyaa yuusan kaa didine)

    Qodobka 2aad:- Waxaa qacdiiba mucaarad kala hor yimid xertii baarlamaanka oo garanwayday xaguu yarku naga soo booqday yaa watay, yaa ka danbeeyey ? muxuu siday muxuu keenay ? muxuu hayaa ? waxaana muran mudo ka taagnaa gacanta u taaga iyo u taagi mayno.

    Qodobka 3aad:- Bulshada caalamaka ee mushaharka dowlada ku meelgaarka ah bixisa kuma qanacsanayn sidaa awgeed waxuu isku dayey inuu helo waji ka duwan kaas oo uu shacabka beerlaxawsado inta uu ka helayo saaxiib siyaasadeed oo caalami ah ama wadamo taageera ama uu ka helo saaxiibnimo siyaasadeed, sida wadamada reer galbeedka ee maalgeliya daneeyana arimaha soomaaliya.

    Hadaba waxaa intaas dheeraa Madaxweynaha DKM oo ahaa shaqsiga u ogolaaday inuu xukuumadiisa wasiiradiisa u noqdo xor aana wax faragelina ku samayn ayaa waxaa uu siiyey fursad wanaagsan waxqabadkii meeshaa ka dhacay iyo kan hada dhacana waxaa amaanteeda iska leh Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

    Hadaba shirarka ka dhacayaa Talyaaniga iyo nayroobi laguna wado in lagu qabto wadamo badan oo Canada iyo amerika ah ee loogu magacdaray Rajada soomaaliya waa Farmaajo miyeysan ahay (Riyo soo jeeda ah, oo run loo maleeyey rafaad ku danbayn doonta.

    Sida cad haddii aan hadalka daaha ka rogo istiraajiyada farmaajo ee siyaasadeed waxaad ka dhadhahnsan karaysay shirkii Norwey oslo oo uu ku fashilmay oo xitaa caro iyo ciil dartiis sawirada madaxweynaha hala jeexjeexo yiri, iyo mudaaharadadii lacagta lagu bixiyey ee dadka masaakiinta ah qaarkood lagu qalday kuna nafwaayeen oo iyaguna uu ku muujiyey damaciisa siyaasadeed ee qaawan.

    Hakaan ka akhri Siyaasadda

    Farmaajo waxuu godobta xilkiisa u tirsanayey kampla iyo Uganda hadana dhakhso ayuu ugu noqday isaga oo la ogaa sababtuu u tegay inay ahayd waxoogaa balanqaadkii loo sheegay haduu xilka ka dego in la siinayo.

    Hadaba waxuu yiri waxaan uga degay dan soomaaliyeed , waxuu kale oo yiri waxaan wadanka iga soo saaray xor ma nihin, isaga oo xor oo dhalashadii maraykanka watona waxuu tegay kampala waxuuna ka soo qaatay qadar yar oo Meher ah oo aan buurnayn sidii rag ka horeeyeyba.

    Haddii ninka damaciisa siyaasadeed intaas le,eg yahay noqday rajada soomaaliya waxaan aaminsanahay inaysayn soomaaliya rajoba u harin waa haday ku xirantay farmaajo ilaahay kuma xirine , mideeda kale Farmaajo soow ma aheyn wiil meesha la keensaday hadana laga saaray ?

    Xiinka siyaasadeed ee beelaysan ee dhagaraysan ee farmaajo iyo dagaalka uu kula jiro dowlada KMG ah iyo maamulka Puntland dadka u malaynayaa rajo soomaaliyeedoow haku dagmina hana ku sirmina (Hubsada oo ka hara, hantaaqada iyo hagardaamada ay wadaan kooxaha shirarka abaabulaya waad mahadsan tihiin .

    The false hope …

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.